Mu'asasadda Samofalka Iftiin oo maanta gargaar ugu qaybisay Muqdisho ku dhawaad 200-qoys oo Barakacayaal ah (SAWIRRO)



Sabti, December 03, 2011− Mu'asasadda waxbarashada iyo horumarinta ee IFTIIN ayaa maanta waxay gargaar raashin ah ugu qaybisay Muqdisho 200-qoys oo barakacayaal ah, kuwaasoo ku nool kaamam ku yaalla deegaanka Tarabuunka ee degmada Hodan.

Gargaarkan oo isugu jiray, galley, digir iyo saliid ayaa waxaa bixisay hay'ad islaami ah oo fadhigeedu yahay dalka Kanada oo lagu magacaabo International Development and Relief Foundation (IDRF) oo macnaheedu yahay hay'adda caalamiga ah ee horumarinta iyo gargaarka.

"Raashinka aan u qaybinnay 200-qoys oo barakacayaal ah, waxaan ugu talogalnay inay ku noolaadaan muddo bil ah, waxaana ku deeqday hay'adda IDRF," ayuu yiri Dr C/kariin Maxamed Xirsi oo ah wakiilka Soomaaliya u fadhiya hay'adda IFTIIN oo gargaarka qaybisay.

Dr C/kariin Xirsi wuxuu sheegay in qoysaska ay u xuleen hadba sida ay u kala daran yihiin, isagoo sheegay in sidoo kale ay qoysaskan ay sameeyeen musqulo ay isticmaalaan, wuxuuna sheegay in cunno-qaybinta iyo musuqlaha ay dhiseen ay ahaayeen hal mashruuc oo isku xiran.


Qoysaska gargaarka loo qaybiyay waxaa ku jiray dad waayeello ah, kuwaasoo ka mahadceliyay gargaarka loo qaybiyay, waxayna qaarkood sheegeen in gargaarka ay heleen xilli ay baahi weyn u qabeen.

Intii ay gargaar bixintu socotay ayaa waxaa hareeraha halka lagu bixinayay taagnaa dad kale oo masaakiin ah, kuwaasoo ay ku jiraan curyaamiin, balse aan wax nasiib ah u helin inay gargaarkan helaan.

Deegaanka Tarabuunka oo maanta raashin qaybinta laga sameeyay ayaa noqonday deegaan ay daggan yihiin dadkii ay soo barakiciyeen abaarihii ku dhuftay gobollada Koonfurta Soomaaliya iyo kuwo horay ugu sugnaa Muqdisho.

Mu'asasadda waxbarashada iyo horumarinta ee IFTIIN oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa howlaha gargaarka ku dhex-jirtay afartii ee ugu dambeysay, iyadoo ka hirgelisay gobollada Mudug iyo Galguduud iskuullo wax lagu barto.

Dr C/kariin Xirsi oo ah wakiilka mu'asadda u jooga Soomaaliya ayaa u sheegay HOL inay hadda gacanta ku hayaan 4,000 arday, kuwaasoo wax ka barta iskuullada ay mu'asasaddu ka hirgelisay gobollada dhexe ee Soomaaliya.









 

 

 

 

 

 

 

 


 

 


 


 
0208432 9591
07960744 225
info@iftiin.net

Clothes Collection

Donate Now..
Follow us
Facebook Twitter News