Iftiin Logo



  Iftiin Education & Development Association- Charity No.1125288

DHISMAHA BULSHO HUFAN

 

Dhismaha bulsho hufan waa arrin u baahan dadaal aan joogsi lahayn, nafti hurnimo iyo sabar joogto ah. Marka ugu horaysa, inta aanan guda galin ubucda maqaalkaan, bal aan is waydiino, maxay yihiin tiirarka ay u baahan tahay inay ku istaagto bulsho hufani?.

 

Jawaabta su’aashaas ka fiirsasho la’aan waa dhalinyaradeeda. Marka si aan dhidibada ugu aasno ama aan u helno bulsho caafimaad qabta waa in aan helnaa marka ugu horaysa dhalin caafimaad qabta. Dhalin daacad ah sidoo kalena waxtar leh.

Waxaan shaki yar uusan ku jirin in dib u dhaca ku yimid bulshadeena, iyo jaahilnimada qiima tirtay bulshadeena  ay sabab u tahay dhalintii oo noqday kuwo aan waxtar u lahayn bulshada.

 

inta badana dhalinteena waxay qaadeen jid qaldan, waxay ka leexdeen xeerarkii bulshadooda, waxayna horseedeen hoos u dhaca iyo taag darrada bulshadooda. Hadii aan idin siiyo tusaale kale, hadii aad daawato TV – ga ama aad dhagayasto raadyaha,  cinwaanada waa wayn ee markasta la soo qaato waxaa ka mid ah:  wadamada warshadaha leh, wadamada hormaray, iyo wixii la mid ah.

 

Hadii aan mar kale is waydiino:  horumarka wadamadaas yaa u keenay?  ma waxay ku heleen nasiib iyo qiyaamo? mise waxay isticmaaleen qaabab kale oo sixir ama faal ah?.  Jawaabtu waa maya.

Dhamaan horumarkaas waxaa u keenay  waa dhalinta bulshadaas kuwaas oo har iyo habeen usoo jeeday inay bulshadooda horumar la taaban karo gaarsiiyaan iyo nolol barwaaqo ah.

 

Maxaa ku dhacay hadaba dhalinteena? Xagee wax ka qaldameen? Mala sixi karaase qaladkaas?. Jawaabuhu waa kuwo sahal ah. Dhab ahaantii dhalinteenu waxay lumiyeen kaalintii ay ku lahaayeen bulshada, qaladkana waxa uu ka yimid aqoon la’aan ku dhacday dhalinta kaasoo ah mid la sixi karo lagana bad baadin karo dhalinta hadda soo koraysa hadii aan u midowno arintaas wax ka qabashadeeda.

 

sida aad la socotaan jamciyadda WAXBARASHADA IYO HORUMARINTA EE IFTIIN waxaa ka go’ an sidii ay uga mira dhalin lahayd dadaalkeeda si looga bad baadsho dhalinta soo koraysa sanado kale oo dib u dhac iyo jaahilnimo ah. Hadaba waa in aan dhamaanteen u midownaa  si hadafkaas guud u noqdo mid najaxa oo mira dhal ah.

  

 

 

info@iftiin.net

Articles
Social Issues
Health
 
Physical Activity
  Basic Nutrition ,
 
Calcium
  Fats & Cholesterol
islamic Videos

Paradise Found: A Documentary on Islam...

Islam : Muslim History

Islam: empire of faith

Documentary: Muhammad Legacy of a Prophet

Xaflad lagu qabtay London oo ay Iftiin soo diyaarisay.  waxay ahayd xaflad lacag loogu aruuri nayay hormarinta waxa barashada ee Degmada cadaado iyo tuulooyinka ka tirsan (akhri)