Iftiin Logo



  Iftiin Education & Development Association- Charity No.1125288

 

Mohamed Ali Shekhow

 Education/waxbarasho    

 

Qeexitaan: Eraga ‘’Educate’’ waxaa lagu qeexaa "horumarinta aqoonta, xirfadda iyo akhlaaqda" marka taa macneheedu wuxuu noqonayaa in ujeedada waxbarashadu ay tahay  kobcinta/horumarinta ardaga aqoon ahaan, xirfadahaan iyo akhlaaq ahaanba. qeexitaankani  macnawayn masamaynayo hadii aan lasii macnayn erayada sida horumarin, aqoon, xirfad amaba akhlaaq.

 

1 Horumarin: kaqaaditaan xaalad bilow ah/hoosaysa loona qaado                                     dhamaystirnaanta sida

 

2 Aqoonta: waxaa ku macna ah ogaansho ama xog taasoo macneheedu yahay     qiyaasta/ogaalka uu kahaysto qofku xaqiiqada/dhabta jirta.

 

3 Xirfada: awooda/ucarbisnaanta qofka in uu fuliyo shaqa gaar ah.

 

4 Akhlaaq: hab'udhaqanka iyo kalasaaritaanka xumaha iyo sahama ee shakhsiahaaneed.

sidaas daraadeed Education waxay koobaysaa baridda iyo barashada aqoonta/cilmiga, awood xirfadeed iyo habdhaqanka wanaagsan. markaa waxay xooga saaraysaa bacriminta farsamada/xirfadda, badeeca iswaydaarsiga ama takhasusaadka kaladuwan, sidaas oo kale waxay korinaysaa bilicda, garaadka iyo kalasaaritanka xumaha iyo samaha(moral).

marka si loo helo sifaad kaa wanwanaagsan arday ahaan, bulsho ahaan iyo wadan ahaanba waxaa loobahanyahay hanaan ama geedi-socod  iyo nidaam sharci ah oo laraaco kuwaa oo kala ah.

 

Geedi-socod

 

1 Primery/elementry education: waa waxabarashada sanadada koobaad ee aasaasiga ah aduunka intiisa badanna khasab ayay kutahay qofwalba. badanaana waa 8 ilaa 10 sano

waxayna kabilaabataa da'da 5 ama 6 jir. schoolada bixiya waxbarashadan waxaa layiraahdaa primery schools.

 

2 Secondry education: waa waxbarashada sanadada labaad ee nidaamiga ah taasoo looga gudbo waxbarashada khsabka ah, dhamayskatiran/guud ee aasaasiga ah looguna gudbo tan ikhtiyaariga ah ee sare (e.g. jaamacadaha iyo schoolada farsamada). ujeedada waxbarashada qaybta labaad waxay noqonkartaa aqoon-guud, in loodiyaariyo ardaga waxbarashada sare/sadexaad ama lootababaro xirfad gaarah. schoolada bixiya waxaa layiraahdaa scondary/high schools, gymnasiums ama middle schools.

 

3 Higher education: waxaa kaloo layiraahdaa qaabeynta sadexaad ama qybta dasexaad ee waxbarasho. waxay daba joogtaa waxbarashada qybta labaad. waxaa laguyaqaanaa waa ikhtiyaari waxaana laguqaataa heerarka waxbarasho ee Undergratuate, Post-gratuate iyo tababarrada xirfadaha gaarka'ah. dhismayaasha/hay'adaha bixiya waxbarashada noocan ah waa kulliyadaha(colleges) iyo jaamacadaha(universities). siguud waxaa looyiraahdaa kuwan dismaha waxbarashada qaybta sadexaad waxayna bixiyaan shahaadooyin, diplomas ama darajo cilmi oo sare. wadamada hormaray tiro ilaa 50% ah ayaa kubiira waxbarashada qaybta sadexaad, sidaas darteed aad ayay muhiim ugu tahay higher education dhaqaalaha dawlada, ahmiyadahaan iyo xadi'ahaan wax soosaar ka wadanka iyo helitaanka shaqale aqoonleh dhaqaalaha intiisa kale.

 

4: Adult education: waxaakaloo loo yaqaanaa continious education (waxbarashada oo lasii wado) wadama badanna caadi ayay katahay wayna qaabab badantahay. waxay isugu jirtaa waxbarasho nidaami ah iyo mid aan nidaami ahayn intaba. waxaa lagu bartaa inta badan luqadaha kaladuwan, tababarada dheeraadka ah, cilmu-nafsiga (yoga) iyo wixii lamida.

 

                       hadaba waxaan indhaha laga daboolan karin in qofka, kooxda ama wadanka raaca hanaankaa waxbarasho in uu ka koray mugdiga una koray iftiinka cilmiga, kasarakacay saboolnimada aqoon la'aanta una sarakacay qaninimada aqoonta, kagudbay xal uhelitaan la'aanta musiibooyinka dhaqaalaha iyo kuwa siyaasdahaaneedba una gudbay raynraynta iyo tamashlaynta siyaasad dagan, dhaqaala horukac leh, baaritaano iyo soohelitaan wadooyin cusub oo uu uga horumaro digankiisa. sidaa daraadeed ayaya culimada dhaqaaluhu waxay yiraahdaan aqoon saraysa ayaa aasaas u ah wadanka doonaya koror dhaqaale ee sare. waxay yiraahdeen hadii farqiga aqooneed ee udhexeeya wadamada saboolka ah iyo kuwaqaniga ah uu xadigiisu balaaranyahay waxaa adkaanaya isu gudbitaanka cilmiga farsamada iyo waxsoosaarka(technologies) kaasoo ah wadaha koroka dhaqaalaha. taasi markaa waxay ku keenaysaa umadaha saboolka ah in uu istaago dhaqaalohoodu meel aan horukac lahayn(stagnate). taas macneheedu wuxuu yahay sicir-barar iyo shaqala'aan taasoo katimid qarashaad ka loga soo dhoofinayo alabta dibadda halkii gudaha lagasoosaari lahaa

iyo shaqala'aan  katimid shaqaalaha xirfadaysan oo bananka laga keeno maadaama kuwa wadanka udhashay aysan xirfadaysneyn aqoon la'aan darteed.

 

      Systems of formal education/hababka waxbarasha nidami’ah

                  Maadaama waxbarashadu soconayso muddo sannadyo ah sida aan kor kusoo sheegnay waxaa lagama maarmaan ah nidaam/system (curriculum) ay isla ogolyihiin wasaaradaha iyo hay'adaha waxbarashadu kaasoo qeexaya maxaa ardaga lagadoonaya in uu yaqaano, fahmikaro awoodona in uusameeyo cirib ahaan heerkas ee waxbarasho kadib waxaana looyaqaana nidaamkan Sylabus ama curriculum.

Macalinku wuxuu ubaahanyahay faham ilaa xad ah ee maadada uu dhigayo si uu ugudbiyo.

khibrada macaliniku (teacher) waxay kudeeqaysaa ardaga barashada (learnig) in uu barto qybtii loogu talagalay heerkasta, taasoo fududaynaysa waxbarashada/barashada cilmiga.

Qorshe ama habsami-socod(policy), dastuur, imtixaanaad, iskuxirnaan iyo maalgalintuna waxay u fududaynaysaa macalimiinta iyo hay'adaha waxbarashada in ay sida ugusaraysa awoodooda wax ubaraan. mararka qaar nidaamyadan waxbarasho waxaa loo isticmaalaa in lagu abuuro umadda ladoonayo sida loodoonayo in ay noqdaan oo ah fikrada ladoonayo kuwa aaminsan tasoo loo yaqaano Social Engineering(E.g political science, security and sociology oo ah human development). sidani waxay keeni kartaa siyaasadoo sikhaldan loo isticmaalo siiba wadamada ama umadaha halka dhinac utaliyo.

          

         Sida waxloobarto (learning modalities). dadaallo badan ayaa loo galay     casriyaynta qaybaha kaladuwan ee waxloobarto sida.

          1 Kinesthetic: barasho kusalaysan shaqo gacanta kulajir iyo gudagal barnaamijyo(results practical knowledge and it is the most effective style).

          2 Visual: barasho kusalaysan muuqaal, ufiirsasho iyo daawasho waxa labaranayo.

          3 Auditory: barasho kusalaysan dhagaysi tilmaan-bixin ama macluumaad.

    Waxaa culima badani sheegtay iyadoo kuxiran qaabka waxbarasho ee laqaatay hadana qaabab kaladuwani in ay keenayaan sidii ladoonayay heerar kaladuwan. cirib-dambeedka fikradahan, habka ugu saamayntabadan/uguwanaagsan waa in uu keenaa habab kaladuwan kuwaasoo daboolaya sadex-da hab een soosheegnay sidaas daraadeed arday badani waxay helikaraan fursado iskumid ah kuwaasoo usahlaya sida ugu fiican iyaga in ay wax ubartaan.

 

 

                           Conclution/gabagabo

               Dhamaan nidaamyada waxbarashada ee kaladuwan(systems of education), geedi-socodka waxbarashada(process of educatin) iyo kuli qaababka kaladuwan ee waxloobarto(learning modalities) waxay u sahlayaan shakhsiga, kooxda iyo wadanka kafaaiidaysta in ay kahelaan macluumaad kufilan dhabta/xaqiiqada.

 

 

Hadaba akhristow inagu hadanahay Somali waxan kujirna umadaha ugubahidabadan xaga waxbarashada xalna uheli la arimohooda qaran ee maxaa inala gudboon?

 

 

Qore: Mohammed ali shekhow

E-mail:shiiqoow40@hotmail.com

Qual: Bachelor of E-commerce

Osmania University/India     

 

 

 

 

 



 

 

Articles
Social Issues
Health
  Physical Activity
  Basic Nutrition ,
  Calcium
  Fats & Cholesterol
islamic Videos

Paradise Found: A Documentary on Islam...

Islam : Muslim History

Islam: empire of faith

Documentary: Muhammad Legacy of a Prophet

Xaflad lagu qabtay London oo ay Iftiin soo diyaarisay.  waxay ahayd xaflad lacag loogu aruuri nayay hormarinta waxa barashada ee Degmada cadaado iyo tuulooyinka ka tirsan (akhri)