Ka qayb galka xafladii deeq aruurinta ee ay soo agaasintay Jamciyadda waxbarashada iyo horumarinta ee IFTIIN waxa ay ii ahayd waqtigii ugu xiisaha badnaa ee isoo maray intii aan ku sugnaa England ku dhowaad mudo hal sono.
Marka laga soo gudbo xaflada oo si heer sare ah loo soo abaabulay, waxaa kale oo xusid mudnaa dadwaynihii ka soo qayb galay oo isugu jiray dumar, rag, dhalinyaro iyo caruur intaba oo ay wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo rayn rayn aad u wayn. Ujeedada ugu waynayd ee xaflada deeq aruurinta ee jamciyadda IFTIIN sida uu sheegay gudoomiyahooda, mudane Cismaan Macallin Xasan, waxay ahayd inay soo bandhigaan waxqabadkii IFTIIN waqtiyadii ay jirtay, hirgalintii dhismihii iskuulka IFTIIN HOOSE/DHEXE IYO SARE ee degmada CADAADO iyo tan ugu muhiimsan oo ahayd baahida loo qabo dhaqaale lagu socodsiiyo Iskuulkaas curdanka iyo taaba galinta hawlo maalmeedkiisa si loo haqab tiro baahida ardada iskuulka dhigata iyo kuwa ku haminaya inay ku soo biiraan mustaqbalka.
Waxaa kale oo xusid mudnaa in gudoomiyaha JAMCIYADDA IFTIIN uu halkaas ka soo bandhigay qorshe dhiira galin leh oo ahaa ‘ in ay mustaqbalka ku talo jiraan in la hawl galiyo macalimiin guur guurta ama ‘mobile teachers ‘ kuwaas oo waxbari doona dadka reer miyiga, oo ay daruufahooda nololeed aysan u saamaxayn inay caruurtooda u soo diraan iskuulada ku yaala degaanada ay ku nool yihiin.
Intaas kadib waxay ka qayb galayaashii xaflada bilaabeen inay deeqa kala duwan bixiyaan iyada oo dadka qaarkiisa ay ku deeqeen lacago gaaraya ilaa 500 oo lacagta British pound-ka ah, iyadoo la xasuusiyay dadkii xaflada ka soo qayb galay in hal iskuul uusan dabooli karin baahida waxbarasho ee ka jirta degaanadaas.
Si kastaba ahaatee Waxaan dhihi karaa dhismaha iskuulka IFTIIN HOOSE/DHEXE IYO SARE ee CADAADO waa tallaabo wayn oo horay loo qaaday taasoo suurta galinaysa in caruurteena ay noqdaan kuwa ku naalooda deegaan nabadeed oo barwaaqo ah, isla markaana saamayn wayn ku yeelan karta nolosha dadwaynaha kadib sanado dagaalo sokeeye iyo jahwareer halakeeyay nolosha qoysas fara badan kana dhigay caruurteena kuwa ku hungooba inay beegsadaan nolol iyo mustaqbal iftiimaya.
Dhinaca kale, Madaxa maaliyadda ee Jamciyadda IFtiin, mudane Cabdi Xaafid Salaad Siyaad, waxaa uu halkaas ka sheegay inaysan Jamciyada IFTIIN aysan ku ekaan doonin dhinaca waxbarshada oo kali ah balse ay xooga saari doonaan dhinaca daryeelka caafimaadka, in dadka la gaarsiiyo biyo nadiif ah iyo wax kasta oo halbowle u ah nolosha bulshada.
Sidoo kale madaxa maaliyadda waxaa uu sheegay inay ku shaqayn doonaan nidaam fur furnaan iyo maamul wanaag ah si loo hanto kalsoonida dadka tabarucaada bixiya loona taaba galiyo ujeedooyinka u dagsan jamciyadda IFTIIN.
Ugu dambayntii waxaan mahad celin u soo jeedinayaa jamciyadda IFTIIN ee casuumada ii fidisay iyo xubnaheeda madaalayaasha ah kuwaas oo naftooda iyo maalkooda u huray u adeegidda dadkooda iyo sidii ay noloshooda wax uga badali laahyeen.
Waa mahad santihiin
Omar Ahmed Warsame