Wafdi Iftiin ka socda oo laba xibnood ka kooban, Saa’id Aaden Beereed iyo Abdullahi Ahmed Warsame, ayaa 12/09/2009 ka amba baxay magaalada London, UK iyaga oo ku socda dalka South Africa. Safarkaan wuxuu ku saabsanaa fariin ay Iftiin u gudbinayso walaalaha Soomaliyeed ee dalkaas kunool, gaar ahaan in ay ku dhiiri galiso in laga shaqeeyo hormarinta iyo waxbarashada da’yarta Soomaaliyeed ee ku baylehsan dalka.
Waxaa si aad u qiimo badan u soo dhaweeyay wafdigaan dhalinyarada, waxgaradka, aqoon yahaniinta qorba joogta ah ee ku nool dalkaas, oo runtii si wayn u dareensan dhibka ay leedahay waxbarasho la’aanta haysa ubadka Soomaaliyeed oo uu safarkaan ku saabsanaa.
Ujeedka safarka waxa uu ahaa in dadka Soomaliyeed ee dalkaas ku nool lagu dhiiri galiyo in ay ka qaybqaataan hormarka dalka iyaga oo huraya MASKAX, MAAL, IYO MURUQ.
Runtii arintaas guul ayay ku dhamaatay Allah ayaana mahada iskaleh. Walaalaheen reer South Africa waxay baxsheen 65% dhismaha iskuulka hoose/dhexe iyo sare ee Iftiin oo lagu hirgalinayo Hobyo bilowga sanadka 2010. Allah ayaa mahada iskaleh. Waxaan halkaan si gaar ah ugu mahad celinaynaa dhammaan walaalaha ku baxshay lacagtooda, una istaagay subax walba iyaga oo dantooda gaarka ah iska iloobay si uu barnaamijkaan u hirgalo, waxaan si gaar ah ugu abaal naqaynaa:
- Ahmed Ibrahim Hamarow (Ahmed Iraq)
- Sharif Ahmed Wehliye (Garwayne)
- Abdinasir Salaad
- Omaan Black
- Ali Sujuu (Gudoomiyaha Jaaliyada Capetown)
- Haydar
- Ma’alin Dahir
- Abdiwali Ahmed Dhoore (Gudoomiyaha Jaaliyada Johannesburg)
- Ahmed Yare
- Mursal
- Mukhtaar Ma’alin Hassan
- Abdishakuur Hayle
- Abdi Jabbaar
- Mohamed Ali Wehliye
- Abdinur Aden Madoobe










(halkaan riix http://www.flickr.com/photos/cadaadoschool)
Iyo dad badan oo aan runtii la soo koobi Karin balse si wayne uga qayb galay siyaabo badan, Allah hadinka abaal mariyo.
Allah waxaan ka rajaynaynaa in uu nagu gooleeyo barnaamijkaan lagu hormarinayo bulshada, gaar ahaan dhinaca adeega guud.