Iftiin Logo



  Iftiin Education & Development Association- Charity No.1125288

Warbixin: Safarkii Iftiin ee Sweden & Norway  28/11/2009

  Socodkii 1aad ee ururka Iftiin ku sameeyay sanadkaan Qaarada Europe ayaa soo gaba gaboobay. Safarkaan ayaa wuxuu daba socdaa kii iftiin ku aaday dalka South Africa laguna dhiiri galinayay aqoon yahanada, dhalinyarada iyo waxgaradka Soomaliyeed ee kunool qurbaha in ay ka qayb galaan hormarinta dalka gaar ahaan dhinaca waxbarasho.

 Wafdigaan wuxuu ka koobnaa 3 xibnood, Duraan Osman Geddi, Mahdi Ahmed Diiriye iyo Faisal Abdullahi Kadiye, waxayna tageen: Sweden, Norway iyo Danmark. Waxaa qaabilay oo si diirran u soo dhaweeyay dad badan oo dhalinyaro iyo waxgarad iskugu jira oo uu ugu horeeyo mudane Omar Warsame.

 Iftiin waxay tixgalin siisay duruufaha kala duwan ee haysta dadka, sida waqti yarida, kala fogaashada iyo waqtiga ay qaadan karto in halmeel ama meelo cayiman la iskugu yimaado.

sidaas darteed Iftiin ayada ayaa u hurtay waqti dadkana ugu tagtay meelaha ay dagenyihiin iyo intii isku imaankarta si loo gaarsiiyo fariinta uu waftigaan xambaarsanaa oo ahaa in loo istaago hormarinta dalka loona baahan yahay: Anfaca, Aqoonta iyo Awooda qofwalba uu huri karo.

 

 Ujeedka safarkaan wuxuu ku dhamaaday guul waxaana iskaleh mahada Allah. Waxaana sidoo kale mahadleh dadka khayrka jecel ee nagala qayb galay mashruucaan iyaga oo bixinaya lacagtooda, waqtigooda, iyo fikirkooda  si iskuulka Iftiin Hoose Dhexe iyo Sare ee magaalada Hobyo u hirgalo.

Waxaan hadda helnay 80% lacagta mashruuca iskuulka Hobyo waxaana laga helay Walaalaha kunool South Africa, Sweden iyo Norway waxaana Allah uga tuugaynaa in uu ugu daro miisaanka xasanaadka, anagana socodkeena barakeeyo. Mashruucaan oo labi laabayo dhismihiisa bisha janaayo, ma'uusan hirgali lahayn taageerada dad waynaha la'aantiis.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

(Halkaan riix: Sawirada)

 

Waxaan halkaan si gaar ah ugu mahad celinaynaa dhammaan walaalaha nagala qayb galay mashruucan ee reer sweden iyo Norway oo ay kamid yihiin adka hoos ku qoran oo ka shaqeeyay in uu barnaamijkaan guul ku soo dhamaado:

 

Sweden

  • Omar Warsame
  • Abdirisaq Mohamed Sh Aden
  • Nuur Ma'alin
  • Abdirahman Diiriye Arabey
  • Bashir Elmi Sahal
  • Mohamed Salaad
  • Hussain Fuje (Gudoomiyaha Jaaliyada Sweden)
  • Abdi Tahaliil
  • Ali yare Gaani
  • Abdulkadir Jaama
  • Farhaan Mohamed Dhoore
  • Ahmadey Fuje
  • Mire Sh Omar
  • Muse Osoble
  • Khaliifo Soo'ade
  • Haliimo Jama Dheere
  • Hawo Luul

Norway

  • Shire Mohamed Geedi
  • Abdi Mire
  • Shafi'i Sh Abdullahi
  • Khalif Abdi Ahmed Nuur (ina Abdi Kuus)
  • Mohamed Jama Katanga
  • Ali Salaad Abdi Siyaad (Godoomiyaha Jaaliyada Norway)
  • Ali Abdi Gale
  • Diiriye Mohamed Guure
  • Bille Ali Afbuur

Denmark

 

  • Liibaan Ahmed Nur

 

info@iftiin.net

Articles
Social Issues
Health
 
Physical Activity
  Basic Nutrition ,
 
Calcium
  Fats & Cholesterol

Xaflad lagu qabtay London oo ay Iftiin soo diyaarisay.  waxay ahayd xaflad lacag loogu aruuri nayay hormarinta waxa barashada ee Degmada cadaado iyo tuulooyinka ka tirsan (akhri)