Iftiin Logo



  Iftiin Education & Development Association- Charity No.1125288

Ardayda Soomaalida Malaysia Oo Bandhig Hiddo Iyo Dhaqameed Ah Guul Uga Soo Hoyay 30 Waddan Oo La Loolamaysay(daawo sawirada)

Kuala Lumpur. Guul huwan sharaf iyo taariikh taasoo u soo hoyatay Soomaali idilkeed ayaa waxaa muujiyay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha dalka Malaysia, kuwaasoo bandhig Hiddo iyo Dhaqameed ay qeyb kala ahaayeen ku dhawaad 30 waddan wacdaro la yaab leh ku soo bandhigay masrixiyadda jaamacadda Islaamiga ee UIA oo aheyd jaamacadii barnaamijkaan dhawrkii sanaba mar qabata.

Barnaamijkaan oo socday muddo usbuuc ah isla markaana ahaa mid ay si gaar ah u xiiseeynayeen guud ahaan ardayda ajaaniibta ah ee wax ka barata gudaha waddanka Malaysia ayaa u muuqday kuwo xiiseeynayay inay arkaan hiddaha iyo dhaqanka uu wadan waliba leeyahay, iyadoo hadba qolo weliba ay soo bandhigeysay Multimedia muuqaalka waddankooda ka turjumaya iyo waxyaabaha waddankooda asal ahaan u leeyihiin taasoo ay ugu duwan yihiin asaagooda.

Sidoo kale, waxaa iyana jirtay oo ay kumaan kun oo dad ah daawanayeen waxyaabaha sida tooska ah loogu soo bandhigayay masrixiyadda goobtaasi, iyadoo waddankii laga helo qaab ahaan Hiddaha iyo Dhaqankiisa iyo sida ay iskula jaan qaadaan qaab ciyaareedkooda uu u dhacayay sacabkii iyo sawaxankii ugu ballaarnaa tiyaatarka, taasoo markii la qiimeeyay ay ku soo baxeen wacdarihii masrixiyadda ardayda Soomaalida, oo dhab ahaantii noqday kuwo qaab ciyaareedkoodii iyo hanaan lebiskoodii iyo sida ay isku soo diyaariyeen si weyn loola dhacay

Haddaba, guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia Mr. Maxamed-Khadar Ismaaciil oo ahaa xiriiriyihii iyo hor boodihii ardaydaasi ayaa isana isagoo u muuqday libaax calanka Soomaaliyeed difaacayay isla markaana abaal marintii u qaaday waddanka Soomaaliya waxa uu ii sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay wacdarihii masrixiyada ay ku soo bandhigeen iyo magaca iyo sharafta ay kor u qaadeen, taasoo uu guddoomiyuhu tilmaamay inay aheyd waajib saarnaa oo ay magaca Soomaali kor ugu qaadayeen.

Dhanka kale, guddoomiyuhu wuxuu ii sheegay in maamulkii iyo guddigii hawsha u qeybsanaa ay la soo xiriireen isla markaana ay ku war geliyeen in 30-kii waddan ay 4- wadan ka xusheen taasoo Soomaaliya ay kow ka aheyd. Waxaana guushaasi iyada ah aad ugu farxay dhamaan Soomaalida ku nool wadanka Malaysia, waxa ayna durbadiiba ka qeyb qaateen xiritaankii xafladaasi oo ay goob joog ka ahaayeen madax waaweyn, Borofasooro iyo kumaan kun oo dadweyne ah. Waxa ayna Soomaalidu uga qeyb qaateen ciyaarta ay Soomaalidu Dhaantada u taqaano.

Isku soo wada duuboo, barnaamijkaasi oo aan goob joog ka ahaa ayaa halkaasi wixii ka dhacay aan ku soo koobi karin qoraal kaliya balse wacdarihii meesha ka dhacay waxaa ka marqaati kacayay dhamaan ardaydii ajaaniibta ahaa ee meesha ku sugnaa, kuwaasoo isku raacay inay ardayda Soomaalidu ahaayeen horyaalkii goobta, madadaaladii dadka iyo weliba soo jiidashadii dareenka indhaha.

Wariye C/raxmaan Jaamac Afrax "Helos"
Malaysia_Kuala Lumpur
helos69@hotmail.com

 

waxaan kasoo xiganay dayniilecom

info@iftiin.net

Articles
Social Issues
Health
 
Physical Activity
  Basic Nutrition ,
 
Calcium
  Fats & Cholesterol
islamic Videos

Paradise Found: A Documentary on Islam...

Islam : Muslim History

Islam: empire of faith

Documentary: Muhammad Legacy of a Prophet

Xaflad lagu qabtay London oo ay Iftiin soo diyaarisay.  waxay ahayd xaflad lacag loogu aruuri nayay hormarinta waxa barashada ee Degmada cadaado iyo tuulooyinka ka tirsan (akhri)