waxay billaabatay 11/05/2007, waxayna ubilaabatay jacayl adag oo ay uqabaan xubnaha ururkaan in si shuruud la’aan iyo hagar la’aan loo caawiyo dadkeena aadka u dhibaataysan, oo meelkasta oo aad ka eegto sida aqoonta, dhaqaalaha, caafimaadka iyo tixgalin la’aanta deegaanka iyo dadka oo aykeentay wax garad yarri xag adduun iyo mid aakhiro.
Jacaylkii iyo yidi diilihii waxuu isku badalay barnaamij ballaaran oo dadka wax loogu qabanayo, gaar ahaan dhinaca waxbarashada maadaama waxbarashado aytahay isha wax kasta ee adduunka iyo aakhiraba hor mar lagu gaaro.
Waxaan aaminsanahay in da’yar walba loosameeyo waxbarasho heer sare ah oo dariiqa u furta hormarkooda addun iyo aakhiro.
Ururka Iftiin: Education and Development Association waxaa aas aassay dhallinyaro saaxiibo ah oo aad uga xumaaday oo run ahaantii is ceebsaday hor mar la’aanta dhulkeena iyo dadkeena ka jirta.. oo aan kaftan iyo wax lagu qoslo ka nahay addunka. Dhibaatada noogu wayn mahan in aanan wax anagu qaban Karin laakin dadkeena in eey aaminaan in waxba laqaban Karin.
Hadafka iyo ujeedada ugu wayn ee aan rabno in aan gaarno waxay tahay in dadkeena oo lagu qiyaasay in 98% (1) aysan wax qorin waxna aqrin in ay shan sanno gudahood 50% wax qoraan.
Waxaan garowsanahay in aysan dadku ogayn fa’iidadda wax barashadu leedahay; sidaas darted waxaan rabnaa in aan abuurno baahida wax barashada.
Baahida waxbarasha waxaan ula jeednaa in aan abuurno fursado dadka ku abuura in ay raadiyaan wax barashada. Sida fursado shaqo iyo in aad loo hormariyo waxbarashada aan bixinno. Gaar ahaan in aan shaqaalaysiino macalimiin aad xirfad uleh, technologyo aad u hormarsan.
Iftiin: Education and Development Association Waxay ku howlantahay dhisidda, furitaanka iyo maamulista machadyo qiimo uleh bulshada ay u adeegayso.
Waxaan jecelnahay in aan abuurno illo waxbarasho oo bulshada oo dhan ka faa iidaysato. Illihaan waxbarasho waa kuwo aan ku koobnaan doonin meel iyo dad gaar ah, laakin loogu faa’iidaynayo bulshada aan u adeegayno oo dhan.
U Gurmadka Mustaqbalka carruurteena
Barnaamijyada aan fullin rabno hadda
-
Dugsiga Hoose Dhaxe, Sare ee Cadaado
-
Cadaado Library
-
Dugsiga Hoose Dhaxe ee Godenlabe
Barnaamijyada ku xiga
-
Dugsiga Hoose Dhaxe ee Baxdo
-
Camaara Hoose Dhaxe
-
Hobyo Hoose Dhaxe
-
Cadakibir Hoose Dhaxe
-
Gidheys Hoose Dhaxe
-
Xaradheere Hoose Dhaxe
-
Ceelhuur,cusbada Hoose Dhaxe
Qrashka Baxaya
Sida aad garan kartaan walaalayaal waxaa na horyaal mashruuc aad iyo aad u balaaran oo aan la soo koobi Karin. Marka madaama uu goboldhan uu nasugayo, waxaa haboon in aan mashruuc walba si gaar ah loo qiimeeyo.
Mashruuca ugu horeeya waa Dugsiga Hoose Daxe iyo Sare ee Dagmada Cadaado.
Waxuuna -insha Allah- ka koobnaan doonaa:
-
9 fasal
-
2 xaafiis
-
1 maktabad ama library
-
3 musqulood
-
Daarad
Waxaa sidoo kale loo bahan yahay qalabkii, sida:
-
Compuutaro
-
Saboorado
-
Birintaro
-
Fotokobiyo
-
Projektaro
-
Kuraas
-
buugaag (text books)
-
science lab
iyo wixii kale ee aan hadda halkaan lagu soo koobi Karin.
Qaybta dhismaha waxaa ku baxaya $20,000 oo doolar ah, qaybta kale iyana lacag badan ayaa ku baxaysa laakin hadda lama qiimayn karo maadaama laga keenayo meelo badan oo kala fog. Sikastaba ha ahaatee haka cabsan in lacagta lawaayo ama barnaamijku socon waayo waxkasta oo ku baxa rag ayaa diyaar u ah. Wixii xag Allah cidna ma ballan qaadi karto laakin wixii bini aadam ku xiran, haka cabsan in inta lacag lagaa qaado ay waxna kala socon waayaan.
Dadaalka aan ka qabanay wadankii Gudihiisii(Somalia)
Waxaad dareemi kartaan hawshaas baaxada weyn leh oo aan rabno in aan qabano anaga oo banaanka ka joogna qofkii qaban lahaa oo welibba sidii aan rabno u qaban lahaa helidiisa sida ay u adag tahay iyo in aan laga helayn deegaanka cadaado,qof ka dhex maqan ku qancintiiisa in uu ama carabaha ka yimaado ama xamar ka guuro oo cadaado dago oo ayaduna dadaal dheeraad ah u baahan.
Waxaan ku guuleysanay in aan helnay madixii ugu muhiimsanaa ee maamul iyo macalinba isku qaban lahaa oo ah nin xirfad dheeraad ah oo maamul iskuul iyo aqoon sare leh oo ah nin degree jaamacad haysta una gubanaya sida aan u gubaneyno oo kale diyaarna u ah in uu dhiniiciisa waxii waa jibaad kasaaran buuxsho insha’allaah.
Ah nin kamadax banana dhamaan xarakaadka iyo siyaasadaha ka jira somaliya ahna nin ay danqiso uun kaliyah danta guud qofkastana la tacaamuli kara oo cid gooni ah meel ugu xirneen.
Mamulahaan ayaa cadaado iyo godinlabe oo baaritaan xog aruurin ku tagay kana soo gudbiyay daraasad ay warbixintaan ku saleesantahay inteeda badan lana kulmay inta badan odoyaasha ,cuqaasha,dhalinyarada culumada iyo xarakaatka siyaasiga iyo kuwa diiniga ah intaba kana dhaadhiciyay mashruuca uu wado iyo wax qabashada looga baahanyahay kadibna aan la hadalnay dadkii uu la soo kulmay dad kamid ah noona sheegeen in aan helnay ninkii saxda ahaa ee hamigeena meel marn lahaa bi’idnillaahi.
Waxa uu diyaariyay macalimiintii la shaqeen laheed oo aan ku bilaabi laheen cadado schoolka oo dhan tiro ahaan 5 macalin oo uu asagu ku jiro waxeyna u kala qeybsami doonaan.
1-asaga oo manager goodna ah qeybta artska ama adabkuna uu toos u hoos yimaado maadaama uu ku taqasusay aadaab ama arts.
Waxaa la shaqeneysa asaga laba macalin qeybtaas waxey dabooli doontaa baahida adaabka oo dhan sida: Tarbiyah islaamiyyah,Tafsiir ,Tariikh ,Geographic.luqadaha sida Somaliga+Arabic+English
2- qeybtaan kale ayadane waxaa haysta oo asagane ka hooseeya qeybta ciliguna uu hoostagaa macalin asaguna degree sience ah haysta waxaana la shaqeenaya macalin kale waxeyna dabooli doonaan labadaas macalin maadooyinkaan kala ah:
Maths+Chemestry,Physics,and biology. Iyo maadooyin kale iyo macalimiin.
Biilasha billaha ah oo ku baxaya schoolkaas bil kasta iyo ilaha laga helayo:
Isu geen macalimiinta waxaa ku baxeysa lacagdhan $2000 Dollar bil kasta mushaar ahaan isu geyn.
Waxaa kale oo lagama maarmaan ah maadaama ilmo tiradoodu intaas gaareysa la isku keenayo in la helo first aid kits in iskuulka laga helo anaga oo taas ka duuleyna waxaan ugu talo galnay in uu iskuulku yeesho dhaqtar fariista iskuulka maalin kasta hal galin baarana ardayda caafimaadkooda una qora kaalmaati kii xaalkiisu liitana u gudbiya isbitaal dhaqtarkaas waxaan ugu talo galnay maalin kastain uu iskuulka fariisto 5-6 saac siinana 50 dollar bishii insha’allaah.
Elictriga+Biyaha+Nadaafada ayadane waxan ugu talo galnay 200dollar bishii iyo 100 dollar oo ku ilaalin iskuulka waxyaabaha ka halaaba iyo jeestooyina kursi jaba iyo maintenance waxa la yiraah.
Markii aan ogaanay lacagtaas baaxada weyn in loo baahanyahay oo aan ogaanay in aysan la’aanteed aanan gaareen ujeedada aan leenahay waxaan ka doodnay sida lacagtaas lugu heli karo weliba si joogto ah oo uusan barnaamijkaani uusan fashilaad ugu imaan insha’allaah waxaan meel isla dhignay fashilka u horeeya in uu ka imaanayo hadii aan dhahno bilashaas bilkasta dadka ayaan ka aruurinaynaa in uusan iskuulkaas sii cimrinayn markaas waxaan ku tashanay anagoo dhalinyaradaan hoos ku qoran ah magacyadooda in aan daboolno baahida iskuulkaas ee bilaha ah ee aan dadka kale weydiisano uun in ay gacan ka geestaan dhaqaajinta hore iyo dhismaha kadibna aan biilasha kafaalo qaadno waxeyna iskugu jiraan dhalinyaradaas wiil iyo gabadhba waxayna kala joogaan adduunka daafahiisa.
Dhamaan dhalinyaradaas kor ku xusan waxey diyaar u yihiin in ay qeb ka qaataan biilka joogtada ah ee iskuulka in ay baxshaan bilkasta kicinta hadeerna in ay dadka ugu horeeyaan.
Cida intaas ka baxsan oo aan target gareenayno waxaa kamid ah qofkasta oo muslim ah Somali ah oo ku qanacsan mabda’aan ah in dadka jahliga lagala dagaalamo jahligaas oo aan ognahay in uu yahay asaaska burburiyaha nolosha iyo wadanka.
Cid kasta ama hay’ad kasta oo ka shaqeesa hor marinta bini aadamka iyo caawina waxyaabaha basica ah oo uusan noluhu noolaan Karin la’aantood.
Qofkasta oo qoyskaan u dhashay oo ay damqinayso baahidaas diyaarna u ah in uu isbadal ku sameeyo ehelkiisa dhinaca wanaaga ah ogna in ay tahay waajib saran qofkasta oo ehel u ah dadkaas in uu ugu kaalmeeyo xaga wanaaga.
Waxa aan u baahanahay hadeer lacag gaareysa dhisida iyo qalabeenta 9 qol oo uu kujiro qol computerada lagu barto oo ay yaalaan ugu yaraan 15 computer,Libarary ama maktabad laga helo dhamaan manaahijta iskuulka ku bada iyo daraasaad islaami ah oo ay xataa dadka magaalda khilaafkooda ka qeyb qaadan doona oo ay heli doonaan meel ay ula soo laabtaan marjic markii ay masalo ku doodaan ama mugdi ka galo,qalabeen xaafiis iyo kuraaseynta fasalda iyo musqulaha oo ayagana aad dareemi kartaan lacagta ay u baahan tahay marka hadii aan soo odorosno anagoo usbuucyada soo socda idiin soo gudbin doona qiimeynta saxda ah hadane waxaan ku qiyaasnay 25000$ilaa 35000 dollar ugu yaraan.
Waxyaabaha aan target gareeneyno in aan sameeno markaan ku guulesano mashruucaan qiimiga badan insha’allaah in aan ololeyn dhalinyaro anaga oo kale ah kadibna ay ka faideestaan khibarada amshruucaan in ay sameeyaan oo ay ka sameeyaan gobolkii waa balaaran yahay gool kale hawshaan in aan mashruuc maal galineed u sameeno iskuulkaan oo uusan anaga xataa weligen qoorta noogu jirin ee aan ku dadaalno sanad ilaa laba sano kadib in uu waxiisa soo saarto oo aan il dhaqaale u suubino insha’allaah kadibna aan u gudubno baahida gobolka ee weyn ee wax barasho.
Waxaan codsi gaar ah u gudbinaynaa dhamaan dhalin yarada aan wadaago magaca ee ay damqinayso baahidaas oo aan hubno in ay u dareemayaan baahidaas sida aan u dareemeyno oo kale in si qalbi furan oo ilaaheyna aan ku raali galinayno dadkaas masuuliyada naga saarane aan u gudan laheen in loo tafa xayto oo ay gacan mug leh nagu siiyaan ayna nagala qeyb qaataan isbadalkaan aan la damacsanahay gobolkaas insha’allaah, dhaqaale ahaan duco ahaan fikir ahaan intaba aanan uga maarmin (iskaashato ma kufto)ilaahna waatan uu leeyahay(kheerka isku kaalmeesta sharta iyo cudwaanka ha isku kaalmaysanina) marka insha’allaah waan ku rajo weynahay in aad mashruucaan nala qaadi doontaan wabillaahi tawfiiq
Doorka Dadka Dibadaha Kunool & Midaynta Waxtarkooda
Arinta kor ku qoran mahan arin aan ka sugayno in ay waxka qabato UN-ka iyo hayd kale oo gar gaar inkasta oo anan diidayn wixii taakula ah oo aan urur ama shakhsi ka helno hadii aan wax shuruud ah aan lagu xirin oo aan ka ahayn in howsha aan qabanayno si sax ah u qabano xisaab xir ma lehna aan samayno, nasiib darro arintaas waa arin adag waana tan keentay dhalashada ururkaan.
Walaalayaal, sida aad ogtihiin iskaashi dhexdeena ah iyo wada tashi ayaa tubta inagu toosin karta. Marka hadii aan wax wada qabsano oo wiil iyo gabarba aan waqtigeena iyo maalkeena waxka horno Allahna tala saarano waxaan aaminsanahay in aan wax qabsan karno.
Tusaale ahaan hadii aan cahdi galno in aan 1000 qof iska helno oo min $100.00 boqol doolar hurta bishii muddo Lix bilood ah amah al sano ah waxaan heli karnaa in aan helno $100,000 boqol kun oo doolar bishii sanadkii ama Lix bilood gudahoodna waad garan kartaan inta ay noqon kartaa, waxayna badali lahayd taarikhda iyo mustaqbalka gobolkeena.
Sida loo isticmaalayo Lacagaha Nasoogala
Wixii qarash ah oo nasoo gala si kastaba ha u yaraatee way xisaabsan yihiin waxaana jira gudi u qaabilsan xisaab xirka, lacag kasta oo nasoo gasha waan og nahay meesha ay ka timid iyo sida ay ku baxday. Lacagta waxay ku bixidoontaa wax u qabadka bulshada, sida dhisida iskuulada iyo qarashkii ku bixi lahaa. Anaga wax aan jeebkeena iyo waqtigeena ka bixino mooyee wax kale kama rajaynayno. Wixii aan idin waydiino waa mid aan anaga iska bilownay. Waxaan rajaynaynaa oo kaliya in Allah nagasiiyo ajar anaga iyo adinkaba ayna noqoto dadaalkeena mid anfaca bulshadeena.
Caqabadaha imaan Kara iyo sida looga gudbayo
Caqabada ugu weyn waxey tahahy ka dhaadhicinta iyo u soo jeedinta dadkeenii in ay ku qancaan wax barashada diyaarna u noqdaan in ay ilmahooda wax baraan waa lidiintu.
Culumada iyo odoyaasha dhaqanka lugu qanciyo ayagane iyo ka saarida afkaarta foosha xun ee hoos u dhigtay deegaankeena ee ah qofkii dhaqaaqaa hay’ad ayuu wataa lacag ayuuna nagu soo qaatay oo qofkasta oo wax u keena wuxuu rabo ha ku wato in ay kala haraan waxa uu wado oo wanaag ah ee intay cayriyaan ay meel cidlo ah fariisteen.
Ku qancinta dhalinta yare ee isbaarooyinka jooga in ay nolosha sidaan si ka qurxoon ku raadin karaan.
Ku qancinta dhalinyarada xirowga ah in ay isticmaalaan qaabkaan cusub ee aduunku u socdo ayagoo waqtiyada u soo harana xirowgooda wataan.
Waxaan ka qabanay caqabadahaas oo qowl ah dabcan ficil maanan gaarin
In aan u dirnay wufuud kala gadisan meelo kamid ah deegaankii khaasatan cadaado oo kale oo ay lakulmeen dadka mesha ugu dhaqdhaqaaqa roon sida odoyaasha cululmada iyo dhalinyarada qaarkood oo ay tuseen in ay baahi nuucaas ah ay haysato oo ay u baahanyihiin kadibna ay ka xaqiiqsadeen in ay dareensanyihiin baahidaas diyaarna u yihiin in hadii ay helaan wax ka daboola baahidaas ay diyaar u yihiin taageerideeda laakin duruufa haya awageed in aysan hawshaas ku dhaqaaqi Karin hadeer.
Hadii ay helaan dad dhalin yaro ah oo u dhashay deegaanka oo hawshaas ka caawiya in ay qabsan doonaan.
Waxaan la hadalnay qaar ka mid ah macalimiinta dugsiada quraanka una shegnay in ay ayagu yihiin kuwa magaalda hor marka iyo wax barashada u diiday maadaama aysan u ogolen ardaydooda in ay galina quraanka aadaan galina ay schoolaadka u ogolaadaan ayaguna waxey yiraahdeen safka hore ayaan taaganahay oo anaga ayaaba qaatir ka taagan oo ay naga kala tageen oo ay isbaarada naga aaden marka biseel dhinac kasta ah ayaa nooga muuqda meeshaas..
Waxyaabaha aanan aqbalayn
-
Wax kasta ee ka soo horjeeda shareecada islaamka
-
Waxkasta oo wax u dhimaya sumcada umada islaamka,umada somaliyeed iyo mida dadka hawshaan wada intaba.
Xasuus
Waxaan idin xasuu sinaynaa in hadii aad rabto in aad aado safar halmalyan oo kilomitir waxay ka bilaabataa hal tilaabo, talaabada koowaad ayaana markasta u adag. Waxaan rajaynaynaa in aad ku fikirtaan in caqabad kasta laga gudbi karo hadii aan aad u dadaalno.
Nin dadkii hore oo wanaagsanaa oo sideetan jir ah ayaa la arkay asaga oo geed timireed abuuraya, markaas ayaa lagu yiri waqtigaagii waa dhamaad ee maxaad ka helaysaa madaama geedkaan uu qaato sodon sano in uu ku mira dhallo.
Wuxuu ku jawaabay:
Anaga dadkii naga horeeyay ayaa noo abuuray waana ku anfacnay, marka aniga jiilka naga danbeeya ayaan u abuurayaa. Marka, aan mustaqbal u abuurno da’da naga danbaysa. Anaga dhan waan ka faa’iidaynaa In shaa Allah.
"Ilmaheenna bacaadka
Iyo boorka dhex jiifa
Ka basaasay tacliinta
Madaxdii barritoole
Haddii aan la barbaarin Burburkii ina gaaray
Saw kasii badan maayo?."